01 Oct 2023

Sidee ku heli karaa mawduuc aan wax kaqoro Q-2Aad

Ku soo dhawow qaybta 2aad ee sida loo helo fikrado aad waxka qorto

  1. samee muqaalo casharo iyo tababaro duuban.

Fiidiyowyadu waxay noqdeen qaab kale oo xog ah oo ay tahay in ganacsiyadu tixgeliyaan. Waxaad kula xidhiidhaysaa macamiishaada qaab aan suurtogal u ahayn warbaahinta kale waxaadna ka faa’iidaysan kartaa

suuqgeyn muuqaal ah.

Waxaad muujin kartaa sida loo isticmaalo alaabtaada iyo adeeggaaga. Ama waxaad macaamiishaada la wadaagi kartaa  sheekooyinka guushaada.

  1. ka faaloodka Book la qoray (Book Review)

Hadii uu jiro buug aad wax ka faa’iday waxaad u soo gudbin kartaa dadka kugu xiran tusaale adoo ku qoraya ciwaankan

Ku qor dib-u-eegis buug “ay waajib tahay in ay akhriyaan” milkiilayaasha ganacsiga, dadka hal-abuurka leh, ama dadka raba inay bilaabaan ganacsi.

Buugaas oo kaa caawiyay ama ku dhiirigeliyay.

Kadibna la wadaag macamiishaada waxa aa ka faa’iday.

  1. Xigasho Samee

Dadku waxay jecel yihiin xigasho wanaagsan.

Haddii aad raadinayso habab aad kula xidhiidho bulshada kugu xiran ama aad u muujiso awooda, la wadaag xigasho ku haboon yoolalkaaga.

Waxaad la wadaagi kartaa xigashooyin caan ah ama qosol leh ama xitaa waxaa ka soo ururin kartaa dadka saamaynta iyo hoggaamiyeyaasha hal-abuurka leh ee ku jira suuqa (niche-kaaga) oo waxaad abuurtaa muuqaal “Xigashada Maanta” si aad ugula wadaagto mareegtaada iyo baraha bulshada.

  1. Waraysi samee

Warayso qof Nichekaaga kugula jira. Waxay noqon kartaa shaqaale, saaxiibo, macmiil daacad ah, khabiir, ama qof saamayn ku leh bulshada. Sidoo kale haddii uu jiro xidhiidh adag oo idinka dhexeeya, sharax sida alaabtaada ama adeegyadaadu ay gacan uga geysteen guushooda.

  1. Cusboonaysiinta Bogga Ganacsiga

Dib u cusboonaysii shabakadaada iyo boggaga ganacsiga – gaar ahaan bogaga muhiimka ah sida bogga xiriir-ka, hadii aad soo kordhisay waxyaabo cusub iyo sidoo kale qiimayno lagu sameeyey alaabtaada ama adeegaa bixiso oo wata macluumaad waxtar leh iyo khariidad.

Soo bandhig qiimaynta iyo fikirada macamiishaadu dhiibteen, sidoo kale akhristayaashaadana ka codso inay Iyana fikirkooda ka dhiibtaan

  1. Maal maha munaasibadaha gaar-ka ah

Haddii xilliga ciida ama munaasibad kale ay soo dhawdahay, usbuucan waxay noqon kartaa wakhti aad u wanaagsan in loo soo bandhigo akhristayaasha fikradaha qurxinta, alaabaha loo hadiyeeyo qoyska, ama xaqiiqooyinka xiisaha leh ee ku saabsan dhacdooyinka dabbaaldegyada.

Qoraal kastaa uma baahna inuu ku saabsan yahay ganacsigaaga – samaynta sidaas waxay u badan tahay inay riixdo akhristayaasha.

  1. Sualo iyo Jawaabo ah

Qabo dodo ku saabsan sualo iyo jawaabo ku saaabsan badeecooyin-kaaga ama adeegyada aad bixiso adigoo la fal-galaya macamiishaada.

Ka codso macamiishaada inay ku soo diraan waxay su’aalo qabaan tusaale Telegram Group-kaaga kaa soo aad ugu sheegtay mareegtaada, fiidyow duuban, ama qoraal aad mareegtaada ku qortay.

  1. Samee madal-kulmis (Podcasts)

Madal-kulmis waa maqal dhijitaal ah oo taxane ah oo isticmaalayaashu ay dhegaysan karaan. Waa habka caanka ah ee ay dadku wax ku bartaan oo ay uga faa’idaystaan xogta aad soo gudbinaysid.

In kasta oo madal-kulmis-yadu ay jireen in ka badan 20 sano, waxay kaliya bilaabeen soo jiidashada shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay kamid yihiin sida Clubhouse iyo noocyada sida Twitter Spaces emerging

Waxaad ka bilaabi kartaa madal-kulmis-kaaga toddobaadlaha ah ama bilaha ah mareegahaaga si aad uga jawaabto su’aalaha macaamiisha.

Nagala soo Xiriir baraha xiriirka yaga oo kala ah

  • Email: info@asadaani.com
  • Facebook: @asadaani2023
  • Twitter: @asadaaniahmed
  • Instagram: @asadaaniahmed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *